Filim ku saabsan wareegga 3aad :
Download HD |
Wareegga 3aad wuxuu socdaa 3 sano, waxaana sida badan dhigta arday da'doodu u dhaxayso 12 jir iyo 15 jir. Wuxuuna u dhigmaa heerka kowaad dugsiga sare.
Habaynta noocyada fasalka :
Waxaa gaar u ah wareegga 3aad, saddexda nooc ee fasal ee uu u kala habaysan yahay. Marka wareegga 2aad dhamaado, ardayga waxaa lagu jiheeya nooca fasal ee ku habboon kartidiisa iyo xawligiisa wax barasho.
Nidaamka midaysan ee noocyada fasalka, wuxuu ardayda siinayaa jawi iyo qaab waxbarasho oo u oggolaanaya inay helaan aqoonta iyo xirfadaha aasaasiga ah ee dhamaadka iskoolka khasabka ah iyo inay ugu diyaarsanaadaan si tilmaaman waxbarshada ka dambaysa iskoolka khasabka ah.
Ardayda aan buuxin karin shurruudaha aasaasiga ah, ee ay tahay in qaab shaqsi ah loogu dejiyo himilooyin waxbarasho, waxaa loo jihayn karaa dugsiyada qaarkood, fasallo caawin.
Download HD |
Publié par Scolarité obligatoire
Dernière modification : 27.06.2023